Hay’adda HADAF ayaa magaalada Badhan ku qabatay kulan tababar ah oo ku saabsan “Xirfadaha Sare ee Hoggaaminta Waxbarashada”, waxana ka qayb galay ku dhawaad 50 macalin oo ka tirsan bahda Waxbarashada magaalada Badhan.
Kulankan oo soconaayey labo maalmood ayaa waxa daahfuray agaasimaha HADAF Mohamed Said Farah, waxana fududeynaayey tababare C/Salaan Aadan Sh. Saalax.
Ujeedada tababarka ayaa ahaa: kobcinta aqoonta iyo xirfadaha barayaasha dugsiyada asaaska ah, macalimiinta dugsiyada quraanka iyo goobaha kale ee waxbarshada ka hawl gala magaalada Badhan.
kulankii xidhitaanka tababarka, HADAF ayaa Shahaadooyin (Attendance certificate) guddoonsiisay barayashii ka qayb galay tababarka, waxa kale oo shahaado sharaf la guddoonsiiyey tababare C/salan Aadan Shiikh oo tababarka fududeynaayey.
Kulankii xidhitaanka tababarka waxa hadal ka soo jeediyey agaasimaha HADAF, Barayaashii ka qayb galay tababarka, Tababare C/Salaan Aadan Sh. Saalax iyo agaasimaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraca Badhan Dr. C/rashiid Sh. Saalax.
Qaybta Tababarada iyo halabuurka ee HADAF ayaa tababro iyo kulamo joogta qabata kuwaas oo lagu kobcinaayo, laguna horumarinaayo xirfadaha qaybaha bulshada ee kala duwan.
#Dhammaaf.



